Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland Ee SOLJA Oo Xilka Laga Qaadayo + Ergadii Maanta

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA  ayaa xilkii gudoomiye-nimo  kaa qadaya gudoomiyihii Ururkaasi Maxamuud Cabdi Jaamac ( Xuuto )

Maxamuud-Cabdi-Jaamac-Xuuto.jpg

Xarunta dhexe ee Ururkaaasi ku leeyahay magaalada Hargeysa ayaa waxaa saaka kulan deg deg ah iskugu yimid guddida boodhka  ee Ururka SOLJA kuwaas oo ujeedkoodu aheyd  inay xilka ka qaadan Gudoomiyaha isla  markaana ay ku doortan masuulkii bedeli lahaa

Tirrada xubnaha  saaka kulanka isku yimid ayaa ahaa 9  xubnood iyada oo  tirrada guud ee Guddida boodhka SOLJA ay tahay 15 xubnood , waxaana uu kooramka shirku ku furmaa 8 xubnood

Hadda-ba  Intii aanay  xubnaha guddida  SOLJA  bilaabin codeyntooda ayaa waxaa xarunta si kadis ah u soo galay odayaal ka tirsan saxafiyiinta Somaliland oo ergo u ahaa Gudoomiye Xuuto ,  waxaana ay codsadeen in hal maalin dib loogu dhigo codeynta xil ka qaadistiisa , taas oo ay ka aqbaleen guddidii goobta fadhiday .

Guddida xil kaaqadista ku wada Gudoomiye Xuuto ayaa waxaa ay ku eedeynayaan gudoomiyaha Hanti Lunsi ,  xisaab xidh la,aan , maamul xumo iyo taladii SOLJA oo uu isku koobay .

Guddida Boodhka ee Ururka SOLJA ayaa waxaa ay yahiin kuwa xaqa u leh inay xilka ka qaadan gudoomiyaha , gudoomiye ku xigeenka iyo Xoghayaha .

Guddidii Maanta ee Ergada u ahayd Xuuto ayaa waxaa ka mid ahaa Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Mudane Mukhaar Maxamed Cali.

Somalilandtoday/Hargeysa/Office
Xamse Maxamed Iiman
Hamzeiiman123@gmail.com

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this