Sign in to follow this  
Deeq A.

4 Aroos Oo Ay Soomaalidu Aad Ugu Kala Aragti Duwanaatay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-London)-Todobaadkan waxaa aad loo hadal hayey guurka muranka dhaliyay ee dhex maray Idriss Elba iyo Sabriina Dhoore.

104460896_ben_amina_mpasho-1.jpg 104460896_ben_amina_mpasho.jpg

Idiris iyo Sabrina Dhoore ayaa arooskoodu dhowr maalmood ka hor ka dhacay Huteelka Mandarian Hotel oo ku yaalla dalka Morocco.

Xafladda arooska marka ay dhaceysay, Sabrina Dhoore waxay soo xidhatay dhar cad oo qoorta ka go’an oo ay caruusadaha xirtaan, Seygeedana wuxuu ku soo labbistay suud madoow shaar cad iyo taay madow isaga oo aad u dhoolla caddeynaya ayuuna ka qayb galay xafladdiisa arooska.

Bishii Nofembar ee sanadkii tegay ee 2018, waxay Soomaalida Kenya aad u hadal hayeeen guur dhex maray weriye u shaqeeya TV-ga dalka Kenya ku yaalla ee KTN iyo gabar Soomaaliyeed.

Baraha bulshada ayaa aad loogaga sheekaysanayey guurka weriya Ben Kitili iyo Aamina Muudeey oo aqal galay ka dib markii ay muddo saaxiibbo ahaayeen, ilmana isu dhaleen.

Waxay ku aqal galeen xaflad ay dad yar oo ah saaxiibadood iyo xubnaha qoysaskooda ka soo qayb galeen.

Laakin dood xoog leh ayey baraha bulshada ka dhalisay, taas oo sababtay in dadka ay si weyn ugu kala qeyb samaan.

Muddadii qarniga ahayd ee u dambaysay, Soomaalida waxaa la sheegaa in ay si tartiib ah u dhex galayeen mujtamacyada kale, guurka Ben iyo Aaminana su’aasha ugu weyn ee uu keenay ayaa ah sababta ay Soomaalidu guurarka qaarkood ugu arkaan kuwo caadi ah, halka kuwo kalena ay u arkaan in ay lid ku yihiin dhaqanka.

Sahra Maxamed Cabdulmajiid oo loo yaqaanno Iimaan, ayaa ah gabadh Soomaali ah oo dharka xayeysiisa.

Waxay mar ka soo muuqatay heesta ‘Remember the time ee Michael Jackson oo sidoo kalena uu ku jiray jilaaga caanka ah ee Eddie Murphy.


Waxay is qabeen heesaagii geeriyooday ee Ingiriiska u Dhashay, David Bowie, 1992 – 2016.

Wakhtigaas ka hor, waxay u dhaxday Spencer haywood oo ahaa cayaartoy Maraykan ah oo Kubadda kolayga cayaari jiray, kaasoo ay is qabeen 1977 – 1987.

Iminka waa 63 jir, waxayna dhashay laba gabdhood.

Dr Xasan Shire iyo xaaskiisa Stella

Dadka magaca ku dhex leh Soomaalida ee ku faraxsan guurkooda ajaanibta waxaa ka mid ah Dr Xasan Shire Sheekh oo madax ka ah ha’yadda difaacayaasha xuquuqda aadanaha ee bariga Afrika.

Waxaa u dhaxda Stellah Akatukunda. Muddo ka hor ayaa labadooda magaalada Muqdisho loogu sameeyey xaflad weyn oo ay yimaadeen asxaab iyo madax ka tirsan dawladda Soomaaliya.

Guursiga ajaanibta ma aha wax ku cusub nolosha dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan marka laga eego dhanka isdhexgalka mujtamacyada dega xeebaha oo ka duwan kuwa deegaannada aan xeebaha lahayn ee u badan reer guuraaga.

Doodaha qaar in ay noqdaan hadal hayn weyn waxaa saamaxay baraha Bulshada oo ah meelo ay dadku ra’yigooda ku soo bandhigaan, laakin dhanka kale, waxaa yar ama meesha ka maqan tixgelinta dookha qofka, iyo in loo arko inuu isagu yahay qofka leh go’aanka noloshiisa.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this