Sign in to follow this  
Deeq A.

“Sucuudigu $450 billion Ayuu Wax Inagaga Iibsanaysaa, Mana Doonayo Inaan Waayo Iyaga…” Madaxweyne Donald Trump

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa ku celiyey taageerada uu u hayo dalka Sucuudiga, xili ay isku soo bax lagu taageeayo barnaamijkiisa halku dhiga ay u ahayd “Make America Great Again” (MAGA) ay socod ku maryeen magaalooyin ka tirsan dalkaasi ayaa sidoo kale sheegay in uu sucuudiga kula jiro wadaxaajoodyo boqortooyada lagu siinayo taageero milatari.

190322155948-01-trump-0322-exlarge-169.jPresident Donald Trump talks with reporters before boarding Marine One on the South Lawn of the White House, Friday, March 22, 2019, in Washington. (AP Photo/Evan Vucci)

Intii lagu gudo jiray banaanbaxan taageerayaasha Trump ay ku mareen Green Bay, Wisconsin, ayaa Madaxweyne Trump waxa uu tilmaamay in taageerada uu u hayo dawada Sucuudigu ay sii kordhayso, taas oo uu tilmaamay in ay ugu wacan tahay Riyadh oo shirkaddaha Maraykanka wax badan ka iibsanaysa.

“Wax Aan Cash ahayn ma haystaan” ayuu u sheegay jamaahiirta taageersan. “Wax badan ayay inaga iibsanayaan, $450 billion ayay wax inagaga iibsanayaan.”

“Waxa jira dad doonaya inay jaraan Saudi Arabia…. Anigu ma doonayo inaan waayo iyaga” ayuu intaasi sii raaciyey Madaxweyne Donald Trump.

“Waaynu waayi $4.5 billion inaynu difaacno iyaga weeyaan, waa qani,” ayuu yidhi Trump.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this