Sign in to follow this  
Deeq A.

Cabsi ka taagan Kenya iyo Al Shabaab weeraro qorsheynayo oo gudaha u galay Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Mandheera (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya dalka Kenya ayaa sheegaya in cabsi xoogan ay ka taagan deegaano dhowr ah oo ka tirsan dalka Kenya, kadib markii gudaha dalkaasi ay galeen xubno ka tirsan Al Shabaab.

Xubnaha ka tirsan Al Shabaab ayaa la sheegay inay gudaha dalka Kenya galeen, iyaga oo kagudbay xuduuda dhanka Soomaaliya, waxaana saraakiisha amaanka ay soo saareen digniin dhanka amaanka ah.

Booliska Dalka Kenya ayaa dadweynaha dalkaas weydiistay in ay gacan ka geystaan soo qabashada saddex qof oo ay sheegeen in ay halis ku yihiin amaanka Gudaha Kenya.

Warbixin ay soo saareen Booliska Kenya ayey ku sheegeen in saddexda qof oo aysan magacooda shaacin ay halis ku yihiin amaanka dadweynaha.

Anthony Munga, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Booliska Kenya islamarkaana saxiixay warqadda lagu wargelinayay dadweynaha ayaa sheegay in xitaa ehelka saddexda qof ay qeyb ka qaataan soo qabashada raggaas.

Waxaa uu Anthony Munga, sheegay in Dadkaasi ay gudaha Soomaaliya kasoo gudbeen, suuragalna tahay in ay gudaha Kenya kula soo laabtaan falal argagixisanimo ah.

Saraakiisha amaanka ayaa dhanka kale sheegay in xubnaha Al Shabaab ay doonayaan inay afduubtaan gaadiidka gurmadka deg dega iyo daawooyin ay doonayaan inay isku daaweeyaan, maadaama sida la sheegay daawo yari ay soo wajahday.

Caasimada Online
Xafiiska Kenya
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this