Deeq A. Posted April 29, 2019 Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xalay waxay howlgal ammaanka lagu xaqiijinayey ka sameeyeen xaafado ka mid ah degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho. Waxay ciidankan qabteen dhallinyaro badan oo ay isugu geeyeen goob fagaare ah oo ay ku kala saarayeen, iyadoo intooda badan lasii daayey, halka qaarna weli ay ciidamada baaritaan ku hayaan. Saraakiisha ammaanka ee howlgalkaasi hoggaamineysa wax faah faahin ah kama aanay bixin, hase ahaatee howlgallada sidan oo kale ah ayeey ciidanka DFS ka wadeen degmooyinka gobolka Banaadir. Howlgallada ay ciidamada dowladda ka sameeyaan degmooyinka magaalada Muqdisho ayeey kusoo qabtaan dhallinyaro badan, iyadoo saacado badan oo la hayo dhallinyaradan hadana lasii daayo. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites