Deeq A. Posted April 29, 2019 Shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa haatan waxa ay wadaan diyaar garow ballaaran oo ku aaddan bisha barakeysan ee Ramadan oo maalmo qura inaga xigaan. Xarumaha ganacsiyada ee magaalada ayaa laga dareemayaa dadweyne badan oo ka adeeganaya, si ay isugu diyaariyaan bisha Soon Qaadka. Ganacsatada qaarkood ayaa inoo sheegay in bishan Ramadan ay tahay midda kaliya ay sida xowliga ah u shaqeeyaan, islamarkaana ka helaan faa’idooyin badan. Sidoo kale, waxay tilmaameen dadka ay aad u iibsadaan raahsiinka iyo sidoo kale waxyaabaha kale macmacaanka ah. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/04/CKARIIN-CALI-AADAN.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites