Sign in to follow this  
Deeq A.

Ehlada Dhallinyaro Ku Xiran Tanzania Oo Baaq u Diray DFS

Recommended Posts

Deeq A.   

Ehlada dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku xiran dalka Tanzania ayaa ka codsaday DFS in loo soo daayo dhallinyaradaasi.

Dadkan oo soo booqday Goobjoog ayaa sheegay in dhallinyaradan ay aad u dhibban yihiin, ayna ka dalbanayaan DFS iney siideyntooda kaalin ka qaadato.

Waxay sheegeen in siyaabo kala duwan loogu xiray dalkaasi, qaarkoodna la qabtay iyaga oo kallumeysanaya, kadibna lagu tilmaamay iney yihiin burcad badeed.

Sidoo kale, dadkan ayaa inoo sheegay in dhallinyaradan badi ay aad u xanuunsan yihiin, laguna fasho beeraha, waa sidey hadalka u dhigeenne.

Halkaan hoose ka dhageyso:

 

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this