Deeq A. Posted April 29, 2019 Mandera (SMN) – Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qarax saacadihii la sood haafay Ciidan ka tirsan kuwa Kenya lagula eegtay G/ Waqooyi Bari ee dalka Kenya. War ka soo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in qaraxan oo Miino ahaa lala eegtay Kolonyo ay wateen Ciidanka Kenya, xilli ay marayeen inta u dhexeysa deegaanada Dabaasisti iyo Buulo Laban oo hoos yimaada M/Mandera ee gobolka Waqooyi Bari. Al Shabaab ayaa warkan ku sheegay in qaraxani ay ku gubeen gaari nuuciisu uu ahaa Motabiish, kaas oo ay lahaayeen Ciidamada dowladda Kenya. Ma shaacin Al Shabaab khasaaraha nafeed ee ka dhashay qaraxaasi, marka laga reebo in ay gubeenGaari ay lahaayeen Ciidamadaais. Dhanka kale Xarakada Al Shabaab ayaa ka hadashay qaraxa shalay Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda lagula eegtay deegaanka Weydow ee duleedka Muqdisho. Al Shabaab ayaa baahiyay in qaraxaasi ay ku dileen illaa 3 askari, kuna gubeen Gaari Tikniko ah oo ay wateen Ciidamadaasi, sida ay hadalka u dhigeen. Inta badan Ciidanka dowladda iyo kuwa Kenya ayaa weeraro iyo qaraxyo lagula eegtaa waddada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose. View the full article Share this post Link to post Share on other sites