Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo lagu eedeeyay in ay duqeysay dad rayid ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Garbahaarey (SMN)-Korneyl Aadan Rufle oo ka mid ah saraakiisha Ciidanka Xoogga ee gobolka Gedo oo la hadlay Shabelle ayaa ka warbixiyay duqeymo xoogan oo ay diyaarahada  Kenya ay  ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolkaasi.

Korneyl Rufle ayaa sheegay duqeymahaasi ay ka dhaceen deegaano iyo Tuulooyin hoos yimaada magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Waxaana uu carabka ku dhuftay in waxyeelo xoogan ay ka soo gaartay Xoolo isugu jira Geel iyo Ari oo dad reer Mii ah ay ku dhaqanayeen halkaasi.

Ciidamada Keya ee qeybta ka ah howlgallka AMISOM ee Soomaaliya ayaa howlgallo ballaaran ka wada K/ Soomaaliya, waxaana mararka qaar duqeymo ka dhan ah Al Shabaab oo ay waxyeelo ka soo gaarto dad rayid ah ay ka fuliyaan gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this