Deeq A. Posted April 29, 2019 Mudisho (SMN) – Xildhibaanada golaha shacabka ayaa la filayaa in maanta akhrinta labaad ay marsiiyaan sharciga shirkadaha ganacsiga dalka, kaas oo ay soo diyaarisay wasaaradda ganacsiga iyo warashadaha Soomaaliya. Xubnaha Baarlamaanka ayaa ka doodi doono muhiimadda uu sharcigan u leeyahay ganacsatada iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed. Guddoomiyaha giddiga ganacsiga Xildhibaan Maxamuud C/raxmaan (Beeni Beeni) oo Shabelle la hadlay ayaa sharraxay baahida loo qabo Hindise sharciyeedkaasi. Fadhigan oo ah kii sideedaad ee golaha shacabka, islamarkaana qeyb ka ah Kalfadhiga shanaad ayaa Sabtidii la soo dhaafay u baaqday Kooram la’aan. View the full article Share this post Link to post Share on other sites