Sign in to follow this  
Deeq A.

Markab Hub U Waday Liibiya Oo La Qabtay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Tripoli)-Madaxda Dowladda Liibiya ee ay qaramada midoobay taageerto ayaa sheegay in Markabkaasi lagu qabtay meel ka baxsan Xeebaha magaalada Misraat ee Galbeedka dalkaasi.

markab_dagaal.jpg

Markabkaasi oo lagu magacaabo Shahar E Kord waxa uu isbuucii hore ka soo shiraacday Dekedda magaalada Burgas ee dalka Bulgaria, wuxuuna ku wajahnaa Dekedda magaalladda Misraata.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Liibiya ee ay qaramada midoobay taageerto ayaa sheegtay inuu Markabkaasi waday 144 Kontaynaro ay ka buuxaan noocyadda Hubka kala duwan, oo isugu jira kuwa fudud iyo Sawaariikhda.

Dhinaca kale, Afhayeenka Ciiddanka uu hoggaamiyo Khaliifa Xaftar ayaa sheegay inuu Markabkaasi hub u waday Dowladda Liibiya ee fadhigeedu yahay Tripoli.

Markabkaasi oo la sheegay inay Ciiddanka Ilaaladda Kacaanka Iiraan leeyihiin waxaa horey cunaqabatayn ugu soo rogay Dowladaha Maraykanka iyo kuwa Midowga Europe, iyagoo ku eedeeyey inuu Markabka qeyb ka ahaa Hawlaha Barnaaamiojka Nukliyeerka Iiraan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this