Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiiro musuq maasuqay booska xubno shaqaalaha dowladda ka geeriyooday

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa mudooyinkii ugu dambeeyay soo kordhayay qayla dhaanta iyo cabashada ka soo baxaysa ehelada Xubno ka tirsanaa Shaqaalaha Dowladda Soomaaliya ee ka diiwaangashan Guddiga Rayidka, taas oo ku saabsan in wasiiro ay si sharci darro ah dad u keensadeen boosas ay ka dhinteen ehelladooda.

Sida caadiga ah, qofkii ka diiwaangashan Guddiga Shaqaalaha Rayidka iyo Guud ahaan Shaqaalaha Dowladda iyo Ciidamada, hadii uu Geeriyoodo booskiisa waxaa dhaxla oo hela carruurtiisa, hadii la waayana waxaa helo qoyskiisa, balse arintaas ayaa u muuqata mid meesha ka sii baxaysa.

Dhowr wasaaradood oo ay kamid ah Arimaha Gudaha, Shaqada iyo Shaqaalaha, Cadaaladda, Warfaafinta iyo kuwa kale ayaa labadii sano ee la soo dhaafay Boosas ay ka dhinteen dad katirsanaa Wasaaradahaas lagu badalay kuwa kale oo aan Xiriir la lahayn kuwii dhintay.

Dadkaan Geeriyooday ee Boosaskii ay ka dhinteen la musuq maasuqay ayaa isugu jira kuwa la dilay iyo qaar ku dhintay Qaraxyada iyo Weerarada Muqdisho.

Haweeney Wiilkeeda oo ka tirsanaa Shaqaalaha Rayidka Islamarkaana lagu dilay Weerar ay Al-Shabaab ka fuliyeen magaalada Muqdisho ayaa Caasimada Online u sheegtay in Booskii Wiilkeeda lagu badalay qof kale halka markii hore ay aheyd dhaxal Booska uu Marxuumka ka baxay.

“Muddo ayaa raadinay booskii Wiilkayga markii dambe waxaan ogaanay in booskiisa Wasiirka ku badalay qof kale” ayey u sheegtay Haweeneydaan oo la hadashay Caasimada Online.

Waa ka gaabsatay in aan soo xigano magaceeda, Codkeeda iyo magaca wiilkeeda dhintay sababtoo ah waxay sheegtay in uu jiro dadaalo kale oo ay wado rajo wayna aysan ka qabin.

Arinta Xaqiiqada ah ee jirta ayaa ah in Dowladda Soomaaliya aysan shaqaalaysiinin hal qof tan iyo markii ay Talada dalka la wareegtay, Wasiiradana ay ku xiran yihiin daruufo badan oo ah in ay shaqaalaysiiyaan dhalinyaro kamid ah dadka ay matalaan.

Atintaan ayaa qayb ka Musuq Maasuqa Soomaaliya lamana oga sida ay saameen ugu yeelan karto shaqooyinka Dowladda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this