Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo shaacisay in Turkey saldhig ciidan uusan ku laheyn gudaha Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Taliska ciidamada xooga dalka ayaa shaaciyay in dowladda Turkey aysan wax saldhig ah ku laheyn gudaha dalka Soomaaliya, iyadoo sanadkii hore madaxweynaha Turkey uu xariga ka jaray saldhigaasi.

Saldhigaasi ayaa la sheegaa inuu yahay saldhiga Turkey uu ka furto dalalka Africa midka ugu weyn, waxaana taliyaha ciidamada xooga dalka uu shaaciyay in saldhigaasi uusan laheyn Turkey.

Taliyaha ciidamada xooga dalka Generaal Daahir Aadan Cilmi Indha Qarshe ayaa si cad u sheegay in xarunta ka furan deegaanka Jazeera ee duleedka magaalada Muqdisho inay tahay kuliyad Turkey uu u dhisay ciidamada xooga dalka, islamarkaana aysan aheyn saldhig Turkey leeyahay.

Wuxuu sheegay in isaga uu ahaa dadkii saxiixay dhismaha Kuliyadaasi, looguna talo galay in lagu tababaro ciidamada xooga dalka halkii dalka dibadiisa loo qaadi lahaa.

Muddo Shan sano ah ayuu sheegay inuu heshiiska qeyb ka ahaa in lagu diyaariyo ciidamo iyo saraakiil Soomaali ah oo halkaasi tababar ka bixisa, si looga maarmo tababarayaasha u dhashay dalka Turkey.

“Saldhig Turki maaha, waa Kuliyad meletari oo ciidanka xooga dalka lagu tababarayo, dalka gudahiisa marka askariga lagu tababaro wuu ka dhaqaalo yar yahay marka dibadda loo qaadayo, anigaa saxiixay markii hore in kuliyad naloo dhiso, Turkey ayaa lagula heshiiyay inay diyaariyaan macalimiin ciidamada tababarta, waana dhawdahay inaan la wareegno, laakiin saldhig meletariga maaha”ayuu yiri Indha Qarshe.

Dhinaca kale taliyaha ciidamada xooga dalka ayaa ka hadlay howlgaladii ugu dambeeyay ee ciidamada xooga dalka ka wadaan gudaha dalka Soomaaliya.

“Al Shabaab waa lala dagaalamaa, wararka dagaalada la xiriira warbaahinta lagama sheego marka ciidamada maalin iyo saacad ay san dagaal galin ma lahan, labo meelood ayay kusoo urureen Al Shabaab waana Jilib iyo Bu’aalo”ayuu hadalkiisa raaciyay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this