Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa kala qabsaday askari gaari Shacab ah ku safray iyo Al Shabaab ?

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Caasimada Online)-Dhacdo si weyn loo hadal hayo ayaa ka dhacday gobolka Shabeelaha Dhexe, kadib markii askari ka tirsan ciidamada dowladda la sheegay inuu isku dhex qariyay gaari dad shacab ah ay saarnaayeen.

Askariga oo kusoo jeeday magaalada Muqdisho ayaa la sheegay inuu la kulmay Al Shabaab wadada ku jiray, kuwaasi oo doonayay inay baaritaan ku sameeyaan gaariga, taasi oo keentay in la arko.

Al Shabaab ayaa askarigaasi dilay, balse inta uusan dhicin dilka askariga waxaa la sheegay inuu rasaas ku furay Al Shabaab-kii doonayay inay baaraan gaariga uu saarnaa, halkaasina uu ku dilay hal ruux oo Al Shabaab ka tirsanaa.

Waxaana kadib Al Shabaab dhankooda la sheegay inay isla goobta ku toogteen askariga doonayay inuu isku dhex qariyo Shacabka adeegsada wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar.

Maamulka Hirshabeelle ayaa u muuqda mid ku fashilmay amaanka wadadaasi, waxaana horey loogu dilay xildhibaano baarlamaanka ka tirsanaa, kadib markii Al Shabaab ay wadada u galeen.

Wadadaasi ayaa amaan aheyd, laakiin hadda dadka shacabka ah ayaa u muuqdo kuwa ka baqaya inay adeegsadaan.

Qaar ka mid ah dadka wadadaasi isticmaala ayaa sheegay in mararka qaar ay Al-shabaab baaraan gaadiidka dadweynaha si ugala dagaan dadka ay iyagu u baahan yihiin.

Al-Shabaab ayaa horay u kaxeystay gaarigii caasiga ahaa iyo darawalkii waday lama oga halka ay la aadeen.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this