Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirweynaha wada-tashiga Haweenka Puntland oo Garoowe ka furmay

Recommended Posts

Deeq A.   

Shirweynaha wada-tashiga, Jihaynta Qorshayaasha iyo Baahiyaha Haweenka Puntland ayaa maanta ka furmay magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland waxaana madasha goob joog ah Wasiiradda iyo wasiirad ku xigeenka Wasaaradda Haweenka, xildhibaanada dowladda dhexe umatalaya Puntland, Wasiiraddii Hore ee Wasaaradda Haweenka iyo haween ka kala socdo ururada haweenka Puntland, haweenka dhakhaatiirta, Ganacsatada, Qareenada, Xoolo dhaqatada, Beeralayda.

Shirweynahan oo socon doona mudda 4 maalmood ah ayaa waxaa soo qaban-qaabisay Wasaaradda horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoysk Dowladda Puntland waxaan inta uu socdo looga hadli doona  wada-tashiga , jihaynta Qorshayaasha iyo Baahiyaha Haweenka Puntland iyo waxqabadka u qorshaysan wasaaradda Haweenka ee 5 sano ee soo socota.

Wasiirka horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Dowladda Puntland Aamina Cismaan Xaaji Jaamac oo shirka furtay ayaa sheegtay in looga tashan doono 3 qodob oo kala ah; Caqabadaha iyo Tacaddiyada haysata Haweenka Puntland, sidii loo midayn lahaa codka iyo cududda Haweenka iyo sidoo kale qorshayaasha wasaaradda ee 5 sano ee soo socota.

Waxaanu doonaynaa in aynu isku xirnaano dhanka Siyaasadda, Ganacsiga, waxaanu doonaynaa in aynu dagsano qorshe cad oo sanad la ah, kana wada qayb qaadano Fulintiisa, sidoo kale aan taageerno gabadheena aqoonyahanka dhanwaliba” ayay tiri wasiirka Haweenka marwo Aamina.

Drs Maryan Qaasim oo hore xillal heer Qaran ah ka soo qabatay Soomaaliya haatana ah Madaxa hay’adda UNFPA ee degaannada Puntland ayaa iyana shirka ka sheegtay in loo baahanyahay sare u qaadidda Waxbarashada gabdhaha si loo horumariyo noloshooda iyadoo xustay in gabadha waxbaratay ay fahamsantahay horumarka iyo hiigsigeeda.

Wasiirkii hore ee horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland marwo Caasho Geelle Diiriye oo kamid ah dumarka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda Haweenka ayaa ka qeyb-galayaasha shirka ku boorrisay in ay soo bandhigan talooyinka ka guuxaya maskaxdooda ee la xiriira horumarinta Haweenka si loogu beddelo qorshe waxqabad oo haweenka noloshooda lagu horumarinayo.

Xaawo Yuusuf Aadan oo ah Madaxa Xarunta Waxbarashada Nabadda iyo Horumarinta magaalada Gaalkacyo iyo Farxiya Muumin Cali oo ka tirsan Aqalka hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa dhankooda si weyn u bogaadiyay shirka iyagoo sheegay in uu muhiimad gaar ah leeyahay maadaama Haweenka Puntland danahooda iyo hiigsigooda kaga tashan doonaan.

Halkaan ka eeg sawirada shirka

1-8.jpg?w=1000&ssl=1 2-7.jpg?w=1000&ssl=1 5-3.jpg?w=1000&ssl=1 8-3.jpg?w=1000&ssl=1 6-4.jpg?w=1000&ssl=1 3-9.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Shirweynaha wada-tashiga Haweenka Puntland oo Garoowe ka furmay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this