Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka cusub ee shaqada ee DF amar ku bixiyey in lacag laga jaro shaqaalaha

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada Soomaaliya Xildhibaan Sadiiq Xersi Warfaa ayaa Amray in bishaan laga jiro lacag dhamaan Shaqaalaha Wasaaradda.

Sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online, wasiirka oo shalay afar saac la kulmay dhamaan Shaqaalaha ayaa u sheegay in ay Amar tahay in laga jarayo lacag qof kasta oo shaqaalaha katirsan, qofkii diidana shaqada laga joojin doono.

Lacagaha ayaa loo kala qaadi doonaa Afar qayb oo kala ah Grade A, 100$ Grade B, 50$, Grade C, 30$ iyo qaybta Maamulka oo qofkiiba laga qaadi doono 300$.

Lacagahaan ayuu sheegay in dib loogu dhisi doono Xarunta Wasaaradda oo ku bur burtay Weerarkii Al-Shabaab ee Sanadkaan. Dad badan oo aan qaadan lacag ku filan ayaa arintaan walaac ka muujiyay maadaama ay soo dhowdahay Bisha Barakaysan ee Ramadaan.

Wasiirka oo maalmo magacaaban ayaa la sheegay in shaqaalaha uu ku haayo hanjabaad iyo caga juglayn isagoo maanta caddeeyay in Shaqada laga ceyrin doono qofkii bixin waayo lacagtaas.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this