Deeq A. Posted April 28, 2019 Maxamkamada sare ee Somaliland Aadan Xaaji Cali ayaa dhex rafanaya sharci jabin uu baal maray xeerarkii u yaalay Dalka ka dib markii uu waraaq xil ka qaadis ah oo uu jeebkiisa kala soo baxay xilkii kaga qaaday Gudoomiyihii Maxkamada Gobolka Maroodi jeex garsoore Axmed Halac Dalmar oo ahaa gudoomiyihii loogu jeclaa ee waligeed xilkaas soo maray. Sharciga Dalka ayaa dhigaya in Cida magacaabi karta ama xilka ka qaadi karta Gudoomiyayaasha Maxkamaduhu ay yihiin Gudiga Cadaalada oo kaliya. Taasi oo Meesha ka saaraysa waraaqda uu gudoomiye Aadan soo saaray. Gudoomiyaha Maxkamada sare ee Somaliland oo markii horeba xilkaas ku yimi sifo khaldan oo xilkaas loo dhiibay isaga oo aan waligii Maxkamad ka shaqayn ayaa la filyay in isaga xilka laga qaado maadaama uu imika Madaxweyne yahay Muuse Biixi oo ay isku hayb yihiin Waxa kale oo Dadweynaha reer Somaliland yaab ku noqday ficilada uu ku kacay Aadan Xaaji Cali ee uu guryaha fooqyada ah kaga dhistay taasoo uu noqday mid ku milmay qabyaalada iyo Dawlada Muuse Biixi ee imika reerka qudha isugu biyo shubatay. Waxaa laga war sugayaa Gudiga Cadaalada ee Qaranku jawaabta ay ka bixiyaan Goaanka sharci darrada ah ee uu ku kacay Aadan Xaaji Cali. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites