Sign in to follow this  
Deeq A.

“Xisbigu Wuxu War-war Ka Qabaa Xaaladda Dalku Galay…” Madaxda Xisbiga WADDANI Oo Saaka Shir Deg-deg Ah Iskugu Yimid Iyo Arrimaha Ay Ka Wada Hadleen

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Shir deg-dag ah oo saaka ay iskugu yimaadeen madaxda Xisbiga WADDANI, ayaa laga ga wada-hadlay xaaladda dalka iyo doorashooyinka Somaliland.

Shirkan oo uu shir-guddoominaayey guddoomiyaha Xisbigaasi Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, waxa ka soo qeyb-galay xubno ka mid ah hoggaanada, guddiyada fulinta, garabbada haweenka iyo dhallinyarta iyo weli ba mas’uuliyiin kale oo ka tirsan mudanka Xisbiga.

11.jpg 6.jpg 5.jpg 4.jpg 3.jpg 2-1.jpg 1-1.jpg

Intii shirku socday waxa aad loogga dooday sida Xisbigu uu u sii xoojinaayo kaalintiisii Mucaaradnimo, waxa kale oo hoosta laga xariiqay in Xisbigu aanu marna ka tanaasulayn mawqifkiisii Komishanka Doorashooyinka sida oo kale waxa ay xuseen inay war-war ka qabaan xaaladda dalku maraayo.

Xisbigu wuxu isla qaatay in si deg-dag ah uu shacabka ugu caddeeyo aragtidiisa ku aadan xaaladda uu galay dalku iyo dib u dhaca Doorashooyinka Somaliland.

86957106-cb33-433b-8de7-996b28ae714b

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this