Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhageyso: 70 qof oo lagu qabtay howl-gallo culus oo ka dhacay MUQDISHO

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen  in ka badan 70 ruux , kuwaasoo lagu eedeeyay in ay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab.

Taliska Ciidanka Booliska ayaa sheegay in dadkaasi Ciidanka Booliska ay kasoo xireen qaar ka mid ah degmooyinka Magaalada Muqdisho, islamarkaana dhawaan sharciga la horkeeni doono.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Zakiya Xuseen ayaa sheegtay in dadka lasoo qabtay ay ku jiraan dad dilal ka geystay Muqdisho gaar ahaan degmada Xamarweyne.

Ciidanka Booliska ayay sheegtay in ay sii wadi doonaan howlgallada ay kula dagaallamayaan Al-Shabaab, waxaana ay shacabka ka codsatay in ay la shaqeeyaan Ciidanka Booliska.

Hoos ka dhageyso Zakiya

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/04/Taliska-C-Booliiska-oo-sheegay-in-ay-Gacanta-ku-soo-dhigeen-in-ka-badan-70-Ruux-oo-ka-tiraan-Alshaba.mp3

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this