Sign in to follow this  
Deeq A.

Malayshiyaad qabsaday saldhig ku yaalla magaalada Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   
Gaalkacyo-sawir-hore.jpg?w=1000&ssl=1Gaalkacyo: sawir hore 2016

Malayshiya beeleed hubaysan ayaa maanta la wareegay saldhig ciidan oo ku yaalla xaafadda Garsoor ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Malayshiyaadka oo uu hoggaaminayo nin magaciisa lagu sheegay Dhuuhdan ayaa sida la sheegayo qabsaday saldhiga bartamaha oo ay ku shaqeeyaan ciidanka ilaalinta canshuuraha dowladda hoose ee degmada Gaalkacyo.

Sidoo kale qaar kamid ah ganacsatada ayaa sheegaya in malayshiyaadka halkaasi qabsaday ay  tan iyo saaka ka qaadayeen canshuuro kadib markii ciidanka ilaalinta canshuura ee dowladda hoose laga qabsaday saldhiga.

Sarkaalka hoggaaminaya malayshiyaadka oo lagu magacaabo Dhuuhdan ayaa hore u soo noqday madaxii baarista iyo dabagalka dowladda hoose ee degmada Gaalkacyo waxaase xilka ka qaaday guddoomiyihi hore degmada Gaalkacyo Yaasiin Cabdisamad.

Mas’uuliyiinta degmada Gaalkacyo ee Puntland ayaan ilaa iyo haatan wax war ah ka soo saarin malayshiyaadka qabsaday saldhigaasi.

PUNTLAND POST

The post Malayshiyaad qabsaday saldhig ku yaalla magaalada Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this