Deeq A. Posted April 28, 2019 Muqdisho (Caasimada Online) – Wareegto kasoo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Eng Cabdiraxmaan Cumar Cism,aan Yariisow ayaa waxaa amar culus la dul-dhigay Shacabka ku nool Gobolkaan Banaadir. Amarkaan oo uu Warbaahinta u Akhriyey Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku saabsan dib u Habeynta Bulaacadaha Magaalada Muqdisho iyo Naleynta Magaalada si Bilicda dib loogu soo celiyay. 1 – In cid alaala cidii si sharci darro ah u istecmaasha Bulaacadaha Magaalada Muqdisho, aan laga aqbali doonin, isla markaana u hogaansanto xeerka kasoo baxay Xafiiska Duqa ee Mamnuucaya in danta guud loo istecmaalo mid gaar ahaaneed. 2 – In Guryaha Magaalada Muqdisho ee istecmaala Dabka-Korontada ay cid weliba guriga Hortiisa ku dhajiyaan Nal, si Iftiinka Magaalada Muqdisho loogu wada qeyb-qaato, taasi oo muhiim u ah Howlgalada Amni, bacdamaa kooxaha dhibaatooyinka geysta ay ku dhuuntaan goobaha Mugdiga ah. 3 – Cidii xeerarkaan fulin weyda waxaa laga qaadayaa talaabo waafaqsan sharciga taasi oo ku xusan xeerarka kasoo baxay Xafiiska Duqa Muqdisho. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/04/Afhayeen-Saalax-dheere.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites