Sign in to follow this  
Deeq A.

Al Shabaab oo weerar ka fuliyay Baarsanguuni

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (SMM) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar maanta Al Shabaab ay ku qaadeen saldhig Ciidamada Jubbaland ay ku leeyihiin duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Weerarka kadib ayaa la sheegay in dagaal foolka fool ah labada dhinac uu ku dhexmay deegaanka Baarsanguuni ee gobolkaasi.

Ma cadda illaa iyo haatan khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyay intaba.

Xaaladda ayaa weli kacsan, iyadoona dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeeda laga dareemayo halkaasi.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dowlad goboleedka Jubbaland oo ku aadan dagaalkaasi.

Al Shabaab oo weli ku xoogan deegaanada maamulkaasi ayaa weeraro culus ka fuliya gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this