Deeq A. Posted April 28, 2019 Kismaayo (SMM) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar maanta Al Shabaab ay ku qaadeen saldhig Ciidamada Jubbaland ay ku leeyihiin duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Weerarka kadib ayaa la sheegay in dagaal foolka fool ah labada dhinac uu ku dhexmay deegaanka Baarsanguuni ee gobolkaasi. Ma cadda illaa iyo haatan khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyay intaba. Xaaladda ayaa weli kacsan, iyadoona dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeeda laga dareemayo halkaasi. Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dowlad goboleedka Jubbaland oo ku aadan dagaalkaasi. Al Shabaab oo weli ku xoogan deegaanada maamulkaasi ayaa weeraro culus ka fuliya gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ee koonfurta Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites