Sign in to follow this  
Deeq A.

Xiisad dagaal oo mar kale ka aloosan degmada Yubbe

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanayaa degmada Yubbe ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya in ay halkaasi ay ka aloosantay xiisad u dhexaysa ciidamada Somaliland iyo ciidamo degaanka u dhashay oo maalmihii u dambeeyay isku uruursanayey tuulooyin hoos yimaada degmadaasi.

Ciidamada degaanka oo hab-beeleed u abaabulan ayaa fariisimo ka samaystay tuulooyin ay ku jiraan Gacan-maroodi iyo Shidan oo ka tirsan degmada Yubbe ee gobolka Sanaag sida ay sheegayaan dadka degaanka.

Taliyaha jabhaddaasi oo lagu magacaabo Bashiir Axmed Jaamac ayaa maalmo ka hor hanjabaad culus u diray ciidamada Somaliland oo uu sheegay in ay ku soo duuleen degaanno nabad ah si ay dhibaato uga gesytaan.

Wararkii ugu dambeeyay oo warbaahinta Puntland Post halkaasi ka helayso ayaa sheegaya in duhurnimadii maanta ay rasaas is weydaarsadeen ciidamo ka tirsan Somaliland iyo kuwa jabhadda degaanka.

Goobgoogayaal ayaa sheegaya in ciidamada Somaliland oo xaabo wax lagu karsado guranaya ay rasaas is weydaarsadeen ciidanka degaanka balse wax khasaara lama soo werin.

PUNTLAND POST

The post Xiisad dagaal oo mar kale ka aloosan degmada Yubbe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this