Deeq A. Posted April 28, 2019 Muqdisho (SMN) – Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo dhawaan soo gaaray M/ Muqdisho ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya, ahna madaxa howlgalka AMISOM Francisco Madeira. Kulankan ayaa labada mas’uul waxa ay uga wada hadleen xaaladda dalka, gaar ahaan dhinaca amniga. Sidoo kale Shariif iyo Madeira ayaa ka wada arrinsaday qodobo la xariira tayeynta Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed. Madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo kulanka kadib la hadlay Warbaahinta ayaa ku amaanay Midowga Africa, sida ay uga go’an tahay in la wiiqo awooda Al Shabaab oo weli ku xoogan gudaha Soomaaliya. Ciidanka AMISOM oo ka socda dhowr dal oo Africa ku yaalla ayaa Soomaaliya yimid 2007-dii, xilligaas oo uu bilowday howlgalkooda nabad ilaalinta ah. View the full article Share this post Link to post Share on other sites