Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax xoogan oo ka dhacay duleedka Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdfisho (SMN) – Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Muqdisho, gaar ahaan deegaanka Weydow ayaa ku warramaya in barqanimadii maanta qarax lagula eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa Milatariga Soomaaliya.

Qaraxa oo uu nuuciisu ahaa Miino ayaa waxaa la sheegay in uu haleelay mid ka mid ah kolonyo ay wateen Ciidamadaasi oo ku soo jeeday M/ Muqdisho.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxaasi, wallow aan la xaqiijin inta uu la’egyahay.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in qaraxa, kadib howlgal ballaaran Ciidamada dowladdu ay ka sameeyeen halkaasi.

Baaritaanadan ayaa la sheegay in lagu soo qab qabtay in ka badan 100 Qof oo u badan dhilinyarada deegaanka Wedow ee duleedka magaalada Muqdisho.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka laamaha amniga oo ku aadan qaraxaasi.

Inta badan Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa qaraxyo xoogan lagula eegtaa waddada dheer ee xariirisa Muqdisho iyo Afgooye ee gobolka Sh/ Hoose.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this