Sign in to follow this  
Deeq A.

MUQDISHO: Qarax Lala Beegsaday Ciidamo Millatari Ah Iyo Khasaare Ka Dhashay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Qarax miino ayaa Ciidamo ka tirsan Millateriga lagula eegtay duleedka Muqdisho, gaar ahaan deegaanka Weydow, iyadoo qaraxaas uu sababay dhimasho iyo dhaawac.

qarax-baabuur.jpg

Sida wararku sheegayaan ciidamada lala eegtay qaraxa ayaa saarnaa gaadiid kuwa dagaalka ah, kaasoo ka yimid dhanka degmada Afgooye, waxaana lagu qarxiyay agagaarka deegaanka Weydow.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in qaraxa uu khasaare ka soo gaadhay ciidamada Millateriga, waxaana la xaqiijiyay in afar askari ku dhaawacantay, kuwaasoo dhaawacooda loo soo qaaday Isbitaalada Muqdisho.

Wadada isku xidha Muqdisho iyo Afgooye ayaa ka dhacay qaraxyo miino oo lala eegto gaadiidka ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, waxaana maalmo ka hor laga soo saaray miinooyin dhulka hoostiisa la geliyay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this