Sign in to follow this  
Deeq A.

“Xiriirka Kubbadda Cagta Diyaar Ayuu U Yahay In Uu Soo Dhaweeyo Shaqsi Katsa Oo Doonaya Hogaaminta Xulka Qaranka”Jamaal Xaashi

Recommended Posts

Deeq A.   

Xulka qaranka Soomaaliya ayaa anadkii lasoo dhaafay 2018 markii ugu horeesay gaaray Fiinaalka tartanka da’yarta 17-jirada ee ka dhacay wadanka Burundi ciyaatooyda Soomaaliya ayaa bishii April 2018 kulankii ugu dambeeyay koobkii da’yarta ee qaarada Africa la ciyaaray dhigeeda Tanzania.2018425636602664923762409somalia-kenya-3

Xiriirka kubbadda cagta dalka oo waqti iyo juhdi ku bixinaya horomarka heerarka kala duwan ee xulka Soomaaliya ayaa waxaa soo baxayo tiro badan oo macalimiin ah oo doonaysa laylinta xulka,iyagoo iminka ku nool qurbaha waxaana ka mid aha Tababare Maxamed Cabdiqaadir Sheikhdom oo iminka hogaamiya kooxda Som United ee ka ciyaarta horyaalka heerka afaraad ee dalka Sweden.

 44047255_1775630759200792_13694681464438

“Xiriirka Kubbadda Cagta diyaar ayuu u yahay in soo dhaweeyo Macalin Maxamed Cabdiqaadir iyo kuwa kale oo badan oo qurbajoog ah waxaana lee nahay kusoo dhawaada gacmo furan xulka qaranka Soomaaliya malahan shaqsi ee dhamaantooda ayuu waajiba naga saran yahay in aan horomarino dalkeena iyo dhalinyardeena”waxaa Barnaamijka Xeyndaabka ciyaaraha Goobjoog u sheegay Jamaal Xaashi Tuure oo ah madaxa suuqa gaynta Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya.

Sequence-03.00_02_00_02.Still011-300x225

Tababare Maxamed Cabdiqaadir oo mudo dheer ku noolaa qurbaha ayaa waqti ku bixiyay aas aasida kooxda Som United,isagoo kasoo bilaaway meel hoosaysa,balse iminka ay Som United ka mid tahay kooxaha ka dheela horyaalka afaraad ee Sweden,balse Macalin intii oo ku noolaa qurbaha waxa uu waqtii ku bixiyay in uu horomariyo xirfada macalimino,isagoo iminka haysta shahaadooyinka kala gedisan taas oo ka saacidi karta in loogu yeero shaqada hogaaminta xulka Soomaaliya.

57543605_2041006232663242_23301188300906

Daawo Warbixin Ay Goobjoog Ka Diyaarisay Macalinka Doonaya Xulka Soomaaliya

“Qurbaha waxaa nool macalimiin iyo ciyaartooy badan oo xirfadooda aad u saraysa una baahan in ay ka ka faa,ideestaan kooxaha iyo macalimiinta xulka qaranka xiriirka kubbadda cagta tusaale waxa u ah laacib Feysal Axmed heerka uu la gaaray xulka mudadii yared waa in ay wakiilo u dirsadaan qurbaha ka dibna ay halkaa ka soo qaataan tiro badan oo tayadooda saraysa” Waxaa sidaas barnaamijka Xeyndaabka ugu waramay Cabdiqaadir Muxidiin Xaaji Dacar oo ah la taliyaha maamulka isboortiga Gobolka Banaadir.

Sequence-03.00_04_36_23.Still017-300x225

Macalin Maxamed Cabdiqaadir oo la ahdlay Goobjoog Sports waxa uu sheegay in ciyaaraha Soomaaliya sanadihii lasoo dhaafay ay ku tilaabsadeen horomaro aad u saraya hadii si wanaagsan la isku kaashado mustaqbalka  ay Soomaaliya kaalamaha hore ka galayso wadamada qaarada Africa.

48392871_1868171703280030_66785056537129

Halkan Ka Daawo Falanqeyn Ku Saabsan Macalin Maxamed & Hogaaminta Xulka Qaranka

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this