Sign in to follow this  
Deeq A.

Laba Dil Oo Kala Duwan Oo Shalay Ka Dhacay Deegaanada Ceel-afweyn Ee Gobolka Sanaag Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Ceel-afweyn)-Waxa shalay deegaanka Ceel-afweyn ee gobalka Sanaag ka dhacay laba dil oo  kala duwan balse u muuqda inay isku xidhiidhsanyihiin, kuwaas oo ka dhex dhacay beelaha gobalkaas wada dega.

1-72.jpg

Sida ay wararku sheegeen laba ruux ayaa ku dhintay dilalkan, waxaana ku dhaawacmay hal ruux. Godcaanood oo Ceerigaabo u dhow hal qof oo magaciisa lagu sheegay Marxuum Faarax Caarshe Axmed ayaa lagu dilay, dilkaas ka dibna waxa isna deegaanka Dharin-yaxe lagu dilay Marxuum Ina Cabdi Dakhare, waxaana sidoo kale uu dhaawac soo gaadhay hal ruux oo kale. Alle haw naxariisto labada marxuum ee geeriyooday.

Dilalkan ayaa argagax ku abuuray bulshada ku nool gobalka Sanaag, gaar ahaan galbeedka gobalka oo muddooyinkii u dambeeyay ka nastay colaado beeleed oo keena dilal qorshaysan oo loo gaysto dad aan waxba galabsan.

Wararka aanu saaka ka helay deegaankii uushalay ka dhacday dil ayaa waxa au sheegayaan in xaaladu ay degan tahay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this