Sign in to follow this  
Deeq A.

QM oo shaacisay Liiska Ururo iyo shaqsiyaad Soomaali ah oo ay xayiraad dul-dhigtay

Recommended Posts

Deeq A.   

QM oo shaacisay Liiska Ururo iyo shaqsiyaad Soomaali ah oo ay xayiraad dul-dhigtay

un-300x168.jpg

 

QM ayaa shaaca ka qaaday magacyada shaqsiyaad iyo ururo Soomaaliyeed oo xayiraad laga saaray inay soo dalbadaan qandaraasyada hay’adda horumarinta QM ee UNDP iyo ururada kale ee QM.

Go’aankan ayaa ka dambeeyey kadib markii ay talooyin usoo jeediyeen gudiga qiimeeyaan soo dalbashada qalabeynta iyo keenista adeegyada iyo badeecada u baahan yihiin xafiisyada UNDP.

Cunaqabateynta UNDP ay saartay dadkaas iyo ururada waa mid looga hortagaayo xatooyo qarsoon iyo musuq maasuq lagu kacay oo shaqsiyaadkan iyo ururadan lagu eedeeyey, waxayna UNDP la wadaagtay arimahan taagan hay’ado caalami ah, deeq bixiyayaal iyo Qaramada Midoobe xafiiskiisa ugu sareeyo si talaabadan loo hirgaliyo.

Xanibaada la saaray shirkadaha iyo shaqsiyaadka dambiyada lagu eedeeyey, waxaa lagala laabtay heshiisyadii lagula jiray iyo qandaraasyadii horey loo siiyey iyo lacagihii la siin rabay waxayna cunuqabateyntan saameyneysaa qof walbo oo kasoo muuqday liiska.

Shirkadaha ama shaqsiyaadka laga mamnuucay inay UNDP la shaqeeyaan qaybta iibka iyo qalabeynta waxay dib u dalban karaan la shaqeyn cusub oo gudiyo kala duwan qiimeyn doonaan marka uu dhamaado mudada cunaqabateynta la saaray ku eg tahay.

Shakhsiyaadka iyo Hey’adaha Soomaalida ee Liiskaan ku jiro waxay kala yihiin:

  • Centre for Research & Policy Analysis (CERPA), waxaa lagu eedeyey Khiyaano iyo Been Abuur
  • Halima Daud Khalif, waxaa lagu eedeyey Khiyaano
  • We Are Women Activists (WAWA), Waxaa lagu heystaa Been-Abuur
  • Hawa Ali Jama, Waxaa lagu helay Been-Abuur
  • Zainab Mwazige, Waxaa lagu helay Been-Abuur
  • Zeinab Ayan Ahmed, Waxaa lagu helay Been-Abuur
  • Intercooperation Social Development India (ICSD), waxaa lagu helay Khiyaano iyo Been Abuur
  • Joy Elamon, waxaa lagu helay Khiyaano iyo Been Abuur
  • Mohamud Isak, waxaa lagu helay Musuq maasuq (Wax is dabamarin)
  • Gargaar Relief and Development Organization (GREDO), waxaa lagu helay Musuq maasuq (Wax is dabamarin)
  • Tanaad Relief & Development Organization (TARDO), waxaa lagu helay Musuq maasuq (Wax is dabamarin)
  • Ali Mohamed Mohamud, waxaa lagu helay Musuq maasuq (Wax is dabamarin)
  • Shabelle Relief and Development Organization (SHARDO), waxaa lagu helay Musuq maasuq (Wax is dabamarin)
  • Mohamed Shukri Moallim, waxaa lagu helay Musuq maasuq (Wax is dabamarin)
  • Hiran HIV/AIDS Prevention and Child Protection Organization (HAPO), waxaa lagu helay Musuq maasuq (Wax is dabamarin)
  • Abdirizak Yusuf Mohamed waxaa lagu helay Musuq maasuq (Wax is dabamarin)
  • Emergency Pastoralists Assistance Group – Kenya (EPAG-K), waxaa lagu helay Musuq maasuq (Wax is dabamarin)
  • Abdullahi Gessey, waxaa lagu helay Musuq maasuq (Wax is dabamarin)
  • ​Youth & HIV/AIDS Network (YAHAN), waxaa lagu eedeeyey Habdhaqanka Been-abuurka
  • ​Mr. Mohamed Abdirahaman Jama, oo sidoo kale loo yaqaan Mr. Muhammed Abdurahman Jama, waxaa lagu eedeeyey Habdhaqanka Been-abuurka

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this