Sign in to follow this  
Deeq A.

Millatariga Suudaan Iyo Mucaaradka Oo Ku Heshiiyay Golle Wadajir Ah

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Khartoum)-Labada dhinac oo shalay yeeshay Kulan waxay isku raaceen qaabka dhismaha Golle KMG oo isku-dhaf ah, inkastoo aan la isla fahmin qeybsiga Kuraasta.

dalsn-1.jpg

Mar sii horreysay, Guddiga Wadajirka ee ka kala socday Golaha Milliteriga (TMC) iyo Isbahaysiga Mucaaradka ee Xorriyadda iyo Isbedelka ayaa ka wada xaajooday codsiyadooda xukunka Rayidka.

Dhinaca kale, Madaxa Golaha Milliteriga ee TMC, Jeneral C/fataax Al-burhaan oo wareysi siiyey Telefishinka Alarabiya ayaa sheegay inuu jirin wax khilaaf oo u dhexeeya Golahiisa iyo Isbahaysiga Mucaaradka, wuxuuna xusay inay Wada-xaajoodyo dheeraad ah la furi doonaan dhamaan Xisbiyadda.

Waxa kale oo uu ka hadlay qorshihii Madaxweynihii xilka laga qaaday ee Jeneral Cumar Xsaan Al-bashiir, xuxuuna xusay inuu Albashiir doonayey inuu xoog ku maquuniyo Dibadbaxayaashii ka soo horjeeday Maamulkiisa.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this