Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo sheegay kursiga Bankiga dhexe ee dalka laga dhacay dadka reer Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda Puntland, Dr Siciid Cabdullaahi Maxamed, ayaa shirkiisi jaraa’id ee xalay ku dhaliilay, habka loo magacaabay, guddoomiyaha Bankiga dhex ee Soomaaliya, oo uu sheegay in lagu xad-gudbay hannaanka awood-qeybsiga beehala.

Madaxweynaha ayaa sheegay in hab aad u qaldan loo maray, magacaabista guddoomiyaha Bankiga dhexe ee dalka, maadaama sida uu tilmaamay kolkii hore loo ekaysiiyay tartan furan, balse markii uu liiska gaaban soo baxay, haddana la magaacabay ninkii imtixaanka saxayey.

Waxan dhaliil weyn ka qabnay, sidii loo maareeyay guddoomiyihii Bankiga dhexe ee Soomaaliya oo runtii ah, xad-gudub habka nidaamka wax qeybsiga muuqda, oo haddana Process runtii aad u qaldan oo in la sheego habboonlagu sameeyay” ayuu yiri Deni.

Sidoo kale, wuxuu caddeeyay in marka la eego hannaanka wax qeybsiga beelaha ee 4.5 iyo sida hadda xilalka loo hayo , ay guddoomiyaha Bankiga dhexe qeyb ahaan u leeyihiin dadka reer Puntland, balse taasi laga weecday, kadib markii qaab maroorsi ah kursigaasi loo siiyay qof aan ka soo jeedin Puntland.

“Tartankii markii uu soo dhowaaday oo dadkii Short list ay reer Puntland noqdeen ayaa waxa la qaatay, nin qolodii Vetting-ka samaynaysay ee dadka kala xulaysay ah oo aanan ahayn reer Puntland, iyaduna runtii waxay tahay nidaamka wax qeybsiga in lagu xad-gudbaayo” ayuu sii raaciyay.

PUNTLAND POST

Cabdiraxmaan Ciise Cumar

The post Madaxweyne Deni oo sheegay kursiga Bankiga dhexe ee dalka laga dhacay dadka reer Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this