Deeq A. Posted April 28, 2019 Dharkenley (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgal Ciidamada ammaanka ee dowladda xalay ay ka sameeyeen degmada Dharkenley ee G/Banaadir. Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxa ay Ciidamadu ka sameeyeen xaafado dhowr ah oo ka tirsan degmadaasi. Ilo wareedyo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in baaritaanadaasi lagu soo qab qabtay tiro dhalinyaro ah oo lala xariirinayo Xarakada Al Shabaab. Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka laamaha amniga oo ku aadan howlgalkaasi. Muddooyinkii dambe Ciidamada ammaanka Soomaaliya oo howlgallo xoogan ka waday magaalada Muqdisho ayaa xoojiyay amniga guud ee Caasimadda. View the full article Share this post Link to post Share on other sites