Sign in to follow this  
Deeq A.

Shacabka ku nool Sh/Hoose oo ka cabanaya rag burcad ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Afgooye (SMN) – Maxamed Xuseen oo ka mid ah dadka deegaanka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in xaalad amni daro ay ka soo cusboonaatay gobolkaasi.

Maxamed Ayaa tilmaamay in dhac baahsan dadka rayidka iyo gaadiidleyda loogu geysto inta u dhexeysa degmada Afgooye iyo deegaanka Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Sidoo kale waxa uu cod dheer ku sheegtay in dhibaatooyinkaasi ay u sii dheer yihiin kuwa gaar ah oo lagula kaco Haweenka ku safra halkaasi

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli maalin ka hor dhac baahsan labo gaari loogu geystay gobolk Shabeelaha Hoose, kuwaas oo ay la socdeen labo Haween ah oo la sheegay in lagula kacay tacadiyo ka dhan ah Aadanaha.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this