Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan Jeesow oo dadaallo nabadeed ka wada Sh/ Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah Mudanayaasha golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay waan waan laga dhex bilaabay labo Beelood oo dhawaan ku dagalaamay degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Xildhibaan Jeesow ayaa sheegay in meel wanaagsan ay marayaan dadaallada dib u heshiisiineed ee lagu dhex dhexaadino Beelahasaasi.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa Odayaasha labada dhinac ugu baaqay in ay qaataan nabadda, islamarkaana ay ka dhabeeyaan wadallada socda.

Dhawaan ayey aheyd markii Maleeshiyaadka labada Beelood ay ku dagaalameen deegaano iyo tuulooyin hoostaga degmada Wanlaweyn ee gobolka Sh/ Hoose, kuwaas oo ay ka dhasheen khasaarooyin xoogan.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this