Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu Sheikh Shariif kala hadlay madaxda ugu sareyso Hirshabeelle (Sawirro)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxda ugu sareyso maamulka Hirshabeelle ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay madaxweynihii hore ee dalka Sheikh Shariif Sheikh Axmed.

Kulanka ayaa ka dhacay hoyga magaalada Muqdisho uu ka degen yahay Sheikh Shariif, waxaana ka qeyb galay masuuliyiinta ugu sareyso maamulka Hirshabeelle.

Madaxweynaha, madaxweyne ku xigeenka iyo wasiiro ka tirsan maamulka Hirshabeelle ayaa madaxweyne Shariif Sheikh Axmed kula kulmay magaalada Muqdisho, waxaana ay ka wada hadleen arimo dhowr ah.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in labada dhinac ay u gudbiyeen Shariif Sheikh Axmed cabashooyinka iyo culeesaadka dowladda Soomaaliya ay kala kulmeen iyo dhibaatada lagu hayo Hirshabeelle.

Sheikh Shariif, ayaa sheegay inay tagi doonaan magaalada Jowhar si halkaasi loo geeyo xarun Xisbiga uu hogaamiyo ee Himilo Qaran uu ka furanayo magaalada, sida wararka aan ku heleyno.

Sheikh Shariif ayaa deegaan ahaan kasoo jeeda Shabeelaha Dhexe,waxaana uu ka warhayaa dhibaatada dowladda haatan jirta ay ku heysto maamulka Fadhiidka noqday ee Hirshabeelle.

Saacadihii la soo dhaafay ayaa Madaxweynihii hore ee dowladii KMG aheyd ahna hoggaamiyaha Xisbiga himilo Qaran Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxa uu Magalada Muqdisho ka waday kulamo kala duwan oo uu la qaadanayey siyaasiyiin iyo Wakiilada Beesha Caalamka eek u sugan Magalada Muqdisho.

58383802_2183392451749418_21543995374840 58784854_2183392381749425_88725686429448

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this