Sign in to follow this  
Deeq A.

Jilaa caana oo guursaday gabadh soomaaliyada oo ay muddo wada socdeen

Recommended Posts

Deeq A.   

 Jilaa caana oo guursaday gabadh soomaaliyada oo ay muddo wada socdeen

idiriswed1.jpeg?resize=690%2C460

Jilaaga caanka ah ee reer Britain Idiris Elba ayaa shalay ku guursaday magaalada Marrakech ee dalkaasi Marocco gabar soomaaliyeed oo ay in mudo ah wada socdeen taas oo lagu magacaabo Sabrina Dhowre.

Mr. Idiris ayaa guurkan ka dhigaya kiisii saddexaad, iyadii kan kii ka horreeyay ay wada joogeen xaaskiisii labaad afar bilood oo qura, waxaana uu leeyahay labo carruur ah oo kala jira da`da 4 iyo 17 sano.

Xafladda arooska ayaa ka dhacday hotelka lagu magacaabo Ksar Char Bagh ee magaalada Marrakech, waxaana ay socotay muddo saddex casho ah.

Labo sano ka hor ayay aheyd markii uu lasoo banbaxay jilaagan gabadhan soomaaliyeed ee modalada ah, waxaana uu sheegay in sannadkan bilowgiisa oo nikaaxsaday.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this