Deeq A. Posted April 27, 2019 Washington (SMN) – War kasoo baxay taliska Mareykanka ee Africom ayaa lagu xaqiijiyay in saddex ka tirsanaa Daacish ay ku dileen duqeyn diyaaradeed oo shalay ay ka fuliyeen deegaanno ka tirsan Puntland. Duqeynta oo ay fulisay diyaarad nooca aan duuliyaha laheyn ayaa lala eegtay goob ay ku sugnaayeen xoogaga Daacish oo ku taalla degaanka Timirashe, oo ku dhaw degmada Isku-Shuban ee gobolka Bari. Gregg Olson oo ah agaasimaha howlgallada Marykanka ayaa sheegay in dilka xubnahan ay qeyb ka tahay dadaallada lagu wiiqayo awoodda Kooxdan oo weeraro ka fuliso gudaha Puntland. Weerarkan ayaa noqonaya midkii labaad oo bishan gudaheeda uu Mareykanka ka fuliyo gobolka Bari, iyadoo duqeyn ka dhacday nawaaxiga Tuuladda Xariiro ee gobolka Bari maalmo ka hor uu ku dilay ku xigeeenkii hoggaamiyaha Daacish-ta Soomaaliya Cabdixakim Maxamed Ibraahim [Dhoqob]. Africom ayaa tilmaantay in aysan jirin wax khasaaro ah oo shacabka ka soo gaarey duqeyntii shalay ee gobolka Bari. Daacish ayaa lagu aas-aasay deegaanada Puntland October 2015-kii, waxaana hoggaamiya Sheekh C/qaadir Muumin oo horey uga tirsanaa Al Shabaab. View the full article Share this post Link to post Share on other sites