Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Yaaqshiid

Recommended Posts

Deeq A.   

Yaaqshiid (SMN) – Qaraxan oo ahaa nuuca Miinada oo la dhigay waddada dhinaceeda ayaa ka dhacay inta u dhexeysa halka loo yaqaano Ayaan daran iyo isgoyska Towfiiq degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxani ku dhintay hal Qof, iyadoona ay ku dhaawacmeen 4 kale oo la sheegay in ay ahaayeen dad rayid ah.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa  gaaray meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyay halkaasi.

Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay laamaha amniga iyo maamulka degmada Yaaqshiid oo ku aadan qaraxaasi.

Sidoo kale ma jirto illaa iyo haatan cid sheegatay masuuliyadda qaraxan oo qeyb ka noqonayo falal ammaan dari oo muddooyinkii dambe ka dhacayay M/Muqdisho.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this