Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan cusub oo lagu doortay M/ Baydhabo

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (SMN) – Waxaa magaalada Baydhabo ka socota doorashada illaa saddex Kursi oo ka banaan golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Kuraastan ayaa waxaa baneeyey taliyihii hore ee NISA Xuseen Cismaan Xuseen, Madaxwaynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) iyo Axmed Cabdulle Mayow (Korneyl Ruush) oo dhintay.

Doorashada Kursiga koowaad oo la qabtay ayaa waxaa ku guuleystay Cali Kheekh Cabdullahi (Afgooye), waxaana xubinimadaasi horay u baneenyay taliyihii hore ee nabad sugida Xuseen Cismaan Xuseen.

Sidoo kale waxaa haatan socota doorashada labada Kursi ee kale, iyadoo ay madasha ay lagu qabanayo ay goob joog tahay Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yarey)  guddoomniyaha guddiga doorashooyinka madaxa banaan ee dalka.

Dhawaan guddoonka golaha shacabka ayaa amar ku bixiyay in si deg-deg ah loo soo buuxiyo Kuraasta ka banaan golahaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this