Sign in to follow this  
Deeq A.

Nin Soomaali Ah Oo Laga Soo Mustaafurin Lahaa Sweden Oo Dib Looga Laabtay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Sweden)-Maxkamadda ugu sarreysa ee dalkaasi ayaa laashay go’aan lagu soo mustaafurin lahaa Nin Soomaali oo lagu helay fal kufsi ah, laguna xukumay Xabsi Hal sanno iyo 10-bilood.

SWEDEN.jpg

Hadal ka soo baxay maxkamadda sare ee dalkaasi ayaa lagu sheegay in aanay jirin sababo aan caadi ah oo khasbaya in Ninkaasi la mustaafuriyo marka uu dhamaysto Xukunkiisa.

Taasi bedelkeeda, waxay Maxkamadda sare u kordhisay eedeysanaha Soomaaliga xukunkii hore loogu xukumay oo ahaa hal sanno iyo 710 bilood, waxaana Xukunkiisa la gaadhsiiyey xabsi dhan 2 sanno iyo 2 bilood.

Maxkamaddu waxay kale oo Eedeysanaha ku xukuntay inuu bixiyo kharash lagu sheegay khasaaraha soo gaadhay haweeneyda dhibanaha oo lagu qiimeeyey 115,000 oo Lacagta Kroner-ka ee dalka Sweden, oo u dhiganta Dollar ahaan 12 kun iyo 70 Cent.

Balse, Haweeneyda dhibanaha ayaa waxay ka hor-timid xukunka Maxkamadda Sare ee dalkaasi, waxayna ku tilmaamtay go’aan guud ahaan waali ah.

Mar sii horreysay, Laba Maxkamado Heer Hoose ayaa waxay hore ugu xukumeen Eedeysanaha oo oo 33 jir inay waajib tahay in la mustaafuriyo marka uu dhamaysto xabsiga uu ku muteystay Falka Kufsiga

Wargeyska The Local ee ka soo baxa dalka Sweden ayaa qoray in Ninka Soomaaliga markii ugu horreysay ay Maxkamadda Degmadda ee magaalladda Linköping xukun ku riday , kadib, markii lagu soo eedeeyey inuu Kufsaday Haweeney uusan aqoonin.

Eedeysanaha waxa uu qirtay Kiiska lagu soo oogay, iyadoo Haweeneyda Dhibanaha ahayd iyo Milkiilaha Dhismaha ku caddeeyeen inuu kufsaday Haweeneydaasi, waxaana Xeer-beegtida Maxkamadda loo soo bandhigay Caddaymo ku aadan Hiddo-sidaha Eedeysanaha ee (DNA)-da oo laga helay Haweeneyda uu kufsaday.

Sharciga dalka Sweden ayaa waxa uu dhigayaa in Dembiilayaasha lagu helo Dembiyadda Khatarta ah laga masaafurin doono Sweden, oo qeyb ka ah Ciqaabtodoa, haddii uusan Eedeysanuhu haysanin Muwaadinimadda Swedish-ka.

Sidoo kale, Sharciga Sweden waxa uu dhigayaa inay Maxkamaduhu helaan haddii ay jiraan sababo aan caadi ahayn ee lagu amrayo Mustaafurinta.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this