Sign in to follow this  
Deeq A.

Kulankii BF oo kooram la’aan u baaqday iyo Xildhibaanadii oo iska xaadiriyey Xafladda Furitaanka Himilo qaran

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaannada Golaha shacabka Soomaaliya ayaa waxaa maanta ka baaqday kulan kale oo ka mid ahaa kalfadhigan 5aad.

Waxaa Fadhiga maanta soo xaadiray 128 Xildhibaan,waxaana uu fadhiga ku furmaa 139 Xildhibaan.

Guddoomiyaha Golaha shacabka ayaa sheegay in kulanka maanta uu u baaqdau Kooram la’aan sidaasna ku xiranyahay.

Kulanka maanta ayaa waxaa qorshuhu ahaa in ay aqrinta 2aad marsiiyaan Hindise sharciyeedka Ganacsiga Soomaaliya.

Howlwadeenada Xarunta Baarlamaanka ayaa sheegay in Xildhibaanada ka maqna kulanka ay aadeen Xafladda Daah furka Xisbiga Himilo Qaran oo ka socda Hoolka weyn ee Sahal.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this