Sign in to follow this  
Deeq A.

Shiikh Shariif oo durba Muqdisho ka bilaabay inuu taageero ka raadiyo Beesha Caalamka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo dhawaan soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa halkaas ka bilaabay Olole uu taagero uga raadinayo xubnaha Beesha Caalamka u joogo Magaalada Muqdisho.

Shiikh Shariif ayaa kulan la aqaatey Safiirka midowga Africa ahna madaxa ciidanka nabad ilaalinta ujooga Somalia ee AMISOM, Ambassador Francisco Madeira.

Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyey doorka nabad ilaalineed ee ay lagarab taaganyihiin Shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa uu sidoo kale qaabilay Qunsulka dalka Masar u jooga Soomaaliya Tamer Safwat oo booqasho sharafed ugu yimid Madaxweyne hore Sharif Sheikh Ahmed, isagoona uga mahad celiyey sida ay Shacabka Soomaaliyeed ugarab taaganyihiin.

Shiikh Shariif ayaa Musharax u ah Xisbiga Himilo Qaran kaasoo la filayo inuu Guddoomiye looga dhigo Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Jawaari.

Shiikh Shariif oo labadii doorasho ee ugu dambeysay ee Soomaaliya ka dhacday musharax ahaa ayaa rajeenayo inuu markii seddexaad isku soo taago xilkaas.

3-83.jpg 2-89.jpg 1-93.jpg

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this