Sign in to follow this  
Deeq A.

Militariga Maraykanka oo sheegay in uu xubno Daacish ka tirsan ku dilay gobolka Bari ee Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliska ciidamada Maraykanka ee Qaaradda Afrika ayaa sheegay in ay saddex ka tirsan malayshiyaadka Daacish ku dileen duqeyn dhanka cirka oo jimcihii shalay ay ka geysteen buuraleyda Golis ee gobolka Bari (Puntland).

Qoraal Sabtida maanta ka soo baxay taliska AFRICOM ee ciidamada Maraykanka ayaa lagu sheegay in duqeynta oo lala kaashaday dowladd Federaalka Soomaaliya lagu beegsaday goob ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan kooxda Daacish ee Soomaaliya.

Sidoo kale qoraalka waxaa lagu sheegay  in aan wax khasaare ah soo gaarin dadka rayidka ah ee k nool degaannada duqeyntaasi ka dhacday.

Militariga Maraykanku wuxuu intaasi raaciyay in uu duqeynta halkaasi ka dhacday faahfaahin kale oo dheeriya ka bixin doono wakhtiga ku habboon.

14-kii bishan April ayey ahayd markii diyaaradaha Maraykanku ay duqeyn ku dileen ku xigeenkii hoggaamiyaha Daacish ee SoomaaliyaCabdixakiin Dhuqub xilli uu marayey aga’gaarka tuulada Xiriiro ee gobolka Bari.

PUNTLAND POST

The post Militariga Maraykanka oo sheegay in uu xubno Daacish ka tirsan ku dilay gobolka Bari ee Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this