Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaramada Midoobey oo shaacisay fikir adag oo Al-Shabaab u diidayo inay wadahadal la gasho DF

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Faatixa Suruur, oo ahayd ku-xigeenkii xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa sheegtay in Qaramada Midoobe aan sharixi karin Fikirka Al-Shabaab ee ay kaga qayb qaadan karaan dhismaha nabadda.

Waxa ay intaa ku dartay in Al-Shabaab ay wataan fikir gaar u ah oo ay adagtahay in laga dhaadhiciyo in miiska wada hadalka wax waliba ay geeyaan oo lagu dhameeyo, si loo dhiso nabadda.

Faatixa suruur ayaa tusaale usoo qaadatay kooxda Daalibaan ee ka dagaalanka Afgaanistaan oo ay sheegtay in wada hadal lala furay.

Dhibaatada Qaramada Midoobe ka heysata dhismaha nabadda Soomaaliya waxa ay ku sheegtay in Al-Shabaab aanu ogoleen in wada hadal ay abuuraan.

Aragtidooda ayay sheegtay in ay dadka usii gudbiyeen, si ay usii joogaan mudo dheerna ay usii shaqeyso aragtidooda.

“waxaan ku dhahay,waynu dhisi karnaa Nabada,hadii aanay isku dayno in la xaajoono kuwa masuulka ka ah dhibaatada,Dhab ahaantii waa sida xaalada afgaanista iyo taalibaan.

Tobon sano kadib maanta wada hadal ayay ogol yihiin waana lala bilaabay,Wan ku wareeray kuwa aan la laheyn Darajo sare hadana aadaya xaafadaha sida ay ula kulmaan wakiilada alshabaab,Waxaa jira qaar aragtideyda ah oo ku aadan arinta.

Waxaa jira dad faqiir ah kuwaas oo ayaga ku biira sababta ah in ay cuno siiyeen,Waa Tusaalee,kama leexaneyn in aan la furno wada hadal nabadeed,Waynu ku guuldareysanay.

Anaga qaramada midoobe ahaan,Nabada Waa waxa ugu weyn ee aan hada wajaheyno” ayay tiri Faatixa Suruur oo ahayd ku xigeenkii Wakiilkii Qaramada Midoobe ee Soomaaliya.

Qaramada Midoobe ayaa isku dayda ka miro dhalinta heshiisyada dhinacyada is haya, si aanu saameyn ku yeelan dadka shacabka oo ah dhibanayaasha koowaad.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this