Deeq A. Posted April 27, 2019 Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo maalmahan safar ku joogay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa haatan ka soo degay caasimadda Puntland ee Garoowe. Madaxweynaha iyo wefdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha Garoowe ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha dowladda maamulka gobolka Nugaal kan degmada Garoowe iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada Puntland. Mudane Deni ayaa daqiiqado kadib faahfaahin doona safarkiisa dibadda ee uu ku tegay dalalka Imaaraadka Carabta iyo Kenya halkaasi oo uu kulamo kula soo qaatay madax iyo mas’uuliyiin kala duwan. Faahfaahinta Puntland Post The post Madaxweynaha Puntland oo haatan ka soo degay Garoowe appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites