Sign in to follow this  
Deeq A.

Doorashada kuraas ka banaan BFS oo maanta ka dhacaysa Baydhabo

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (SMN) – Waxaa maanta magaalada Baydhabo lagu qabanayaa doorashada saddex kursi oo ka banaan golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kuraasta la dooranayo ayaa waxaa kala baneeyey taliyihii hore ee NISA Xuseen Cismaan Xuseen, Madaxwaynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) iyo Axmed Cabdulle Mayow (Korneyl Ruush) oo dhintay.

Gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka oo ku sugan Baydhabo ayaa maamulaya hawsha doorashada oo goor dhaw bilaabanaysa.

Qaban qaabadii ugu dambeysay ayaa ka socota magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay,iyadoo ay diyaar yihiin musharixiinta u tartamaysa buuxinta boosaskaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this