Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan Cabdishakuur Mire oo Mucaaradka Farmaajo ugu Yeeray Calooshood-u-shaqeysteyaal

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaan  Cabdishakuur Cali Mire, oo ah xildhibaan golaha shacabka BF, laga soo doortay Galmudug, kana tirsan xulafada iyo gacanyareyaasha madaxweyne Farmaajo ayaa weerar ku qaadey mucaaradka madaxweynaha Soomaaliya  isaga oo ku eedeeyey in qeyladooda tahay  uun jago iyo lacag.

Xildhibaan Mire oo arrintaas ka hadalaya waxaa uu yiri ““Haddii Madaxweyne Farmaajo uu wax ka qaban lahaa baahida siyaasaseed iyo midka dhaqaale ee mucaarad ku sheega, kama hor yimaadeen, ma sameeyeen qeylo iyo dacaayad ka dhan ah maamulkiisa”.

xil.jpg

Xildhibaan Cabdishakuur Cali ayaa si joogta ah u dacaayadeedo xisbiyada dalka, dowlad goboleedyada, bulshada rayidka, shaqaalaha mushaar la’aanta ka cabanaya iyo cid kasta oo qeyb ka ah jamhuuriyadda federaalka ah oo u doodda xuquuqa dastuuriga ah.

Haddalada uu bulshada ku weeraro waxaa ka mid ah “Wax badan oo umad ahan naga qaldamay, xil2.pngwaxaa loo aaneeya sameynta  ay bulshadena ku ledahay fafinta benta & xoggo aan jirin oo shacabka lagu marin hababiyo ,dacayadu waxay noqotay awoda kaliya ee mucaradku  adegsado.Sidaan ogahay hogaanka dalka kalsooni aan ruxmeyn baa ka dhaxeysa”.

xil3.png

Waxaa qoraalladiisa ku weeraro mucaaradka ka mid ah“Afkaar qurxoon oo aan ficil wanaagsan ka dambeyn horaa shacabka loogu qaldey. Hogaamiyeyaal intii horey loo tijaabiyey ku fashilmay masuuliyadii loo doortay, magaran karo sida ay shacabka ugu qancin karaan inay madax cusub oo hogaamin wanaagsan noqonayaan hadii markale la doorto”.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this