Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay isku hayaan Senetor Ilhaan Cumar iyo madaxweyne Trump (Dhageyso)

Recommended Posts

Deeq A.   

Washington (Caasimada Online)-Senetor Ilhaan Cumar oo kamid ah xubnaha aqalka sare ee Mareykanka ayaa ka hadashay waxyaabaha ay isku hayaan iyada iyo madaxweyaha Mareykanka Donald Trump.

Ilhaan Cumar ayaa sheegtay in madaxweynaha Mareykanka ay isku hayaan arimo badan oo ay ugu horeeyaan naceybka soo galootiga Mareykanka, dadka Muslimiinta iyo faquuqa haweenka dalkaasi.

Ilhaan waxay sheegtay in khilaafka kala dhaxeeya madaxweynaha Mareykanka inuusan aheyn mid cusub, balse uu muddo soo taagnaa, balse hadda xaaladda ay dadka dhan ogaadeen.

Dhinaca kale Ilhaan Cumar ayaa sheegtay inay diyaarinayaan sharci ka dhan ah duqeymaha diyaaradaha Mareykanka ka geysanayaan gudaha dalka Soomaaliya.

Ilhaan oo xalay la hadlaysay jaaliyadda Soomaalida ee Gobolka laga soo doortay ayaa sheegtay in xeerkaasi uu markiisii hore sameeyay Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama, kaas oo fasaxay adeegsiga diyaaradaha.

Xeerkan cusub ee ay wadaan ayey ku sheegtay in ay wax uga qabanayaan adeegsiga diyaaradahaas oo duqeyntooda ay ku dhintaan dad rayid ah.

Waxaa ay sheegtay in markii uu Obama qaadanayay go’aankaas ujeedada kaliya ahayd wax ka qabashada  Al-shabaab hayeeshee uu sababay dhimashada dad badan oo rayid ah.

Caasimada Online

Xafiiska USA
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this