Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Bayle Oo shir uga qeyb galay Addis Aabab

Recommended Posts

Deeq A.   

Addis Ababa (SMN) – Wasiirka Maaliyadda Xukuumaadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa Magaalada Adis Ababa kaga qeyb-galay Shir Looga hadlayo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya iyo dhameystirka hanaanka deyn cafinta Soomaaliya.

“Waxaa magaalada Adis Ababa inooga furmay Shirk IMF iyo Dowladda Soomaaliya  oo aan uga wada hada hadleyno horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya, dhameystirka hanaanka deyn cafinta iyo ka wada tashiga hiigsiga sanadaha soo socda”ayuu yiri Wasiir Bayle.

Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya hada ay taagantahay meel Aduunku wada ogyahay taas oo ah in dhabihii guusha ay ku socoto.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this